5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo golaha wasiirrada uga warbixiyay ammaanka iyo doorashooyinka

Khamiis, Maarso, 10, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta golaha wasiirradda ee Jubbaland uga warbixiyay xaaladda ammaanka iyo doorashooyinka ka socda dalka, gaar ahaan Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe sheegay in ay socdaan dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii loo soo dhammeeystiri lahaa xubnaha xildhibaannada dhiman ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland, iyadoo ay xusid mudantahay in aan wali la bilaabin geediga doorashada magaalada Garbahaareey oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Guddiga qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaareey ayaa maalmo ka hor soo gabo-gabeeyay wadda-hadalladii iyo kulammadii wadatashiga ahaa ee ay magaalada Kismaayo kula lahaayeen mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland ee ay khuseyso doorashada Garbahaareey.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidaamada amniga sida ay diyaarka ugu yihiin bad-baadinta iyo ilaalinta shacabka xili dalka uu doorasho ku jiro.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland ayaa ka warbixiyey xaaladda abaaraha oo kasii daraysa iyo xiriirinta howlaha gargaarka.

Wasaaradda ayaa isbuucyda soo socda gurmad gaarsiin doonto qoysas gaaraya 97,000 (Sagaashan iyo todobo kun) kuwaasi oo kamid ah dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira deegannada Jubbaland.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]