5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2022
Puntland: Wasiir ka carooday markii wax laga weydiiyay cidda qaadaysa masuuliyadda colaaddii Bosaso

Khamiis, Maarso, 10, 2022 (HOL) - Wasiirka amniga iyo hub ka dhigista Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ka carooday markii wax laga weydiiyay cidda qaadaysa masuuliyadda khasaarihii shacabka kasoo gaaray dagaaladii Bosaso.

Wasiirka amniga oo ku jiray shir jar'aaid oo ka dhacay magaalada Bosaso, wuxuu si caro leh u tuuray makarafoonada weriyayaasha, isagoo yiri' naga daaya waxba hana weydiininee. Maanta ma ahan maalin wax la isweydiiyo, Waxaadse iga raadinaysaan inuu hadal iga tago.

Madaxwyene Deni ayaa maalmo ka hor xilkiisii kusoo celiyay agaasimihii hay’adda PSF, Laakiin illaa iyo hadda lama sheegin cidda qaadanaysa masuuliyadda dadkii ku dhintay, iyo hantidii ku burburtay colaadda.

Inta ay socdeen dagaaladdii Bosaso, Aabbe ayaa ku waayay shan caruurtiisa ah kadib markii uu gurigiisa kusoo dhacay hoobiye ay isku adeegsanayeen dhinacyada Bosaso ku dagaalamay.

Dhinaca kale, Wasiirka amniga Puntland ayaa sheegay in taliyayaasha ciidamadu ka heshiiyeen xurguftii ka dhalatay colaaddii Bosaso.

Wuxuu sheegay in la isku raacay in meesha laga saaro habacsanaanta ku yimid amniga magaalada Bosaso, taasoo uu sheegay in ay ka dhalatay kala qeyb sanaanta ciidamada.

Gallan wuxuu sheegay in haatan loo midoobay sidii loola dagaalami lahaa cadowga Puntland oo uu ula jeedo kooxda Alshabab oo Bosaso weeraro joogto ah ka geysatay colaaddii Bosaso kadib.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online