5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2022
Batuula Gabale: Ragga loo boobay kuraasta haweenka waa la yaqaanaa, waxaana la tegi doonaa sharciga
 

Khamiis, Maarso, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee baarlamaanka Batuula Sheekh Axmed Gaballe, oo xalay ka qeyb-gashay barnaamijka faaqidaadda toddobaadka ee BBC-dda ayaa sheegtay in la yaqaanno kuraasta laga boobay gabdhaha iyo raggii loo boobay.

Marwo Batuula ayaa hoosta ka xariiqday in gabdhaha ay ka go’antahay in sharciga la isla tago oo arintaasi ay noqoto mid si sharci ah ugu soo noqoto gacanta gabdhaha Soomaaliyeed.

“Waxaa muuqata in laga gaabiyay heshiiskii iyo sharcigii lagu heshiiyay ee doorashadda, sababta aanan u raja beeleynin waa in aan heysano sifo sharci ah oo aan ku heleyno xuquuqdeenna, sababtoo ah kuraasta gabdhaha laga boobay waa kuraas la yaqaanno, ragga loo boobayna waa la yaqaanaa”, ayey tiri.

Kuraasta ka dhiman dhammeystirka doorashada waa 56 kursi, si loo xaqiijiyo qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba waxaa loo baahanyahay in kuraasta harsan 37 kamid ah ay noqdaan haweenka.

Ilaa iyo hadda waaxaa soo baxay 44 gabdhood, waxaana guud ahaan tirada haweenka laga rabaa 82.

Balse Batuula ayaa wali rajo ka qabta in madaxda maamul-gobolleedyada ay xaqiijiyaan qoondada haweenka ee baarlamaanka.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa 8-ddii bishan oo ku beegneyd Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka markale adkeeyay muhiimada in haweenka Soomaaliyeed la siiyo saamigooda siyaasadda.

"Waa muhiim in haweenka Soomaaliyeed la siiyo saamigooda ey u qalmaan ee siyaasadda, iyo sidoo kale horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada," ayuu yiri Swan. "Waa muhiim in wax-qabadkooda la aqoonsado oo ay la socdaan booskooda saxda ah ee ay ku leeyihiin hoggaanka iyo go'aan ka gaarista nabadda iyo geeddi-socodyada siyaasadda."

“Waxaan bogaadinayaa doorka firfircoon ee haweenka Soomaaliyeed iyo u ololeynta geeddi-socodka doorashada federaalka ee socda si loo gaaro qoondada ugu yaraan 30 boqolkiiba ee haweenka. Matalaadda haweenku waxa ay wax ka beddeli kartaa siyaasadda Soomaaliya, taas oo ka dhigaysa mid loo dhan yahay oo wadar ah,” ayuu raaciyay.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]