5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2022
Dowladdda Maraykanka oo bogaadisay guusha Soomaaliya ee dib u habaynta dhaqaalaha

Khamiis, Maarso, 10, 2022 (HOL) - Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Larry André ayaa bogaadiyay guusha ay Soomaaliya ka gaartay dib u habeynta dhaqaalaha, sida ay aqoonsatay IMF.

Laakiin, safiirka Maraykanka ayaa dib u dhacyada doorashooyinka ku tilmaamay in ay khatar ku yihiin horumarka la gaaray oo ay ku jirto deyn cafinta.

Amb. Andre wuxuu sheegay, Soomaaliya inay u baahantahay in ay dhawaan dhamaystirto doorasho hufan, loo dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo.

Hay'adda lacagta adduunka ee IMF ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaantay tallaabooyinka lagu xoojinayo dib u habaynta dhaqaalaha oo ay kamid yihiin, hirgelinta sharciga dakhliga iyo xisaabinta canshuuraha, dadaalada abaabulka dakhliga gudaha iyo hirgelinta hannaanka daabacaadda miisaaniyadda iyo xisaab-xirka maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Laura Jaramillo oo ah kaaliyaha Agaasimaha Arrimaha Maaliyadda ee IMF ayaa booqasho ku tagtay Soomaaliya si ay u dib u eegis ugu sameeyso marxaladda 1aad,  2.aad, iyo 3.aad ee barnaamijka dhaqaalaha Soomaaliya oo ay taageerto IMF.

Laura Jaramillo waxay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya la filayo inuu kor u kaco koror dhan 3.2 boqolkiiba  2022, laakiin waxay raacisay khataraha jira inay yihiin, in maalgelinta deeqaha ay furmi doonaan marka  doorashada la dhammeeyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online