5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2022
Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo dib u fasaxay Doorashada Sadax kursi oo Baledweyne taala
 

Khamiis, Maarso, 10, 2022 (HOL) - Afhayeenka guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Axmed Safiina ayaa shaaca ka qaaday in guddiga doorashada heer Fedaraal uu fasaxay in la qabto doorashada sadax kursi oo Baledweyne taala.

Axmed Safiina ayaa sheegay in guddiga uu dhameystiray baaritaanka habraaca doorashada sadaxdaan kursi, waxuuna xusay inay jirtay cabasho laga keenay kuraastaas balse la xaliyay, isla markaana Salaada Duhur ee Maanta kadib kuraastaas doorashadooda lagu qabanayo Beledweyne.

“Annaga oo ah Guddiga Doorashooyinka heer Federaal waxa aan bulshada Soomaaliyeed, Ergada iyo musharixiinta ku tartamaya HOP#010, HOP#30 & HOP#066 ku wargelineynaa in la saxay habraaca qayb ahaan u dhinneed kaddib markii aan go’aansanay in la shaqeeyo xili habeen ah loona dhammeystiray, Doorashadu waxa ay dhaceysaa Salaadda Duhur kaddib sidaas awgeed musharixiintu waa in ay usoo diyaar garoobaan”ayuu yiri Axmed Safiina.

Kuraastaan ay guddiga doorashada ay shaaciyeen iney fasaxeen doorashadooda ayaa ah kuwa maalmihii la soo dhaafay ay ka taagneeyd dood adag ayaa tirsigoodu kala yahay HOP 010 oo uu hada ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi, waxaana haatan lasoo sheegaya in kursiga uu u xiran yahay Musharax gaar ah.

Kursiga labaad ee HOP 030 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, waxaana kursigaan dhawaan ciidamo ka gadoodsan lagu arkay meelo ka mid ah Magaalada Beledweyne, waxaana wararka hoose sheegayaan in kursiga loo xiray Xildhibaan Jeesoow oo markale kusoo laaban doono kursiga.

Kurisiga sadaxaad ee HOP 066 oo uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Cumar Cismaan Waasuge Ringo, waxaana kursigaan uu kamid ahaa kuraasta taala Magaalada beledweyne oo ay dooda ka taagan tahay, waxaana wararku sheegayaan in kursiga loo xiray Musharax Cabdi Daahir Guure Karoore oo ay saaxiibo dhaw yihiin Yuusuf Dabageed.

Waxaa la filayaa doorashada sadaxdan kursi ee ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka in Maanta gelinka dambe lagu qabto Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online