5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2022
Guddiga Dooraahada Koonfur Galbeed oo soo saaray liiska Doorashada kuraastii ugu dambeeysay
 

Khamiis, Maarso, 10, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray liiska 7 kursi oo ah kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayay ku war geliyeen guddiga doorashooyinka heer Fedaraal iney qabanayaan liiska kuraasta Baarlamaanka golaha shacabka oo deegaan doorashadoodu magaalada Baydhabo.

Liiska 7-da kursi ee guddiga doorashada Koofur Galbeed Shaaciyeen qabashada doorashadooda todobaadkaan ayaa tirsigoodu kala yahay HOP 181, HOP 204, HOP 197, HOP 179, HOP 172, HOP 164 HOP 064.

Hoos ka akhriso Qoraalka Guddiga Doorashada Koofur Galbeed:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online