5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2022
Afhayeen Buuni: Qaanuunku wuxuu waajibinayaa in ururradii la furo

Khamiis, Maarso, 10, 2022 (HOL) - Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa markale xoojiyay ka go'naashaha xisbigiisa ee ku aadan in urrada siyaasada la furo kahor doorashada madaxtooyada Somaliland.

Buuni ayaa sheegay in doorashooyinka Somaliland uu xeer jidaynayo sida ay u qabsoomayaan "Waxan rabaa in aan shacabka u sheego in dalkan J. Somaliland doorashooyinkiisu ku qabsoomaan waajib sharci, markasta oo ay yimaadaana hay'addaha awooda u leh mid kastaaba uu guto waajibkisa".

Waxa uu sheegay in saddexda xisbi ee hada jira uu wakhtigoodii sii dhamaanayo, isla markaana loo baahanyahay in wakhtigan la furo ururradii siyaasada si loo helo saddex xisbi oo cusub.

"Imika waxa taagan, muddo xileedkii saddexda xisbi qaran oo ahayd 10 sanno, waxaana uu qaanuunku waajibinayaa in ururradii la furo, si saddex xisbi qaran oo shahaado xisbi haystaa ay 10 ka sanno ee soo socda ay usoo baxaan" ayuu yidhi Buuni.

Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland, ayaa iskaga soo horjeeda xiliga la qabanayo doorashada ururrada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]