5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2022
Madaxweyne Deni iyo agaasimihii PSF oo Bosaso wada hadal uga socdo
 

Talaado, Maarso, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo agaasimihii uu xilka ka qaaday ee hay'adda PSF Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano, ayaa ku kalansan magaalada Boosaaso.

Waa markii ugu horraysay oo Deni iyo Gen. Maxamuud Cismaan ay kulmaan tan iyo colaadii Boosaaso kadib. kulankan oo ah mid albaabada u xiran wuxuu  ka socdaa madaxtooyada Boosaaso.

Labada masuul ayaa kawada hadlaya dhamaynta khilaafkii sababay colaadda Bosaso, waxaana isu imaatinkooda qeyb ka qaatay guddigii Isimada Puntland ee isku taagay dhameynta colaadda.

Ma jiraan illaa iyo wax faahfaahin ah oo laga helay kulankooda, waxaana la filayaa in labada masuul ay heshiis ka gaaraan arrinta hay'adda PSF oo hadda labo dhinac u kala jabtay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online