5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2022
Guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashooyinka maamulka Puntland oo is casilay
 

Talaado, Maarso, 1, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada maamulka Puntland Caynaanshe Yuusuf Xuseen ayaa iska casilay xilkii uu ka haayay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland.

Ceynaanshe oo ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Puntaland ayaa ku sheegay sababta ugu weyn ee uu xilka uga tagay inay tahay arrimo shaqsi oo isaga u gaar ah, mana uusan bixin faah faahin kale oo intaa ka dheeraad ah oo la xariirta is casilaadiisa.

”Aniga oo ah Caynaanshe Yuusuf Xuseen, kana tirsanaa guddiga doorashooyinka Heer Dowlad goboleed ee Puntland, waxaan halkaan ku caddaynayaa in aan arimo shakhsi ah oo ii gaar ah dartood isaga casilay xilkii xubinnimo ee ka mid ahaanshaha guddiga, Waxaan kale oo aan caddaynayaa in aan sidoo kale iska casilay xilkii ku xigeenka guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee SEIT Puntland" ayuu yiri Ceynaanshe.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ceynaanshe sababaha uu isaga casilay xilkii guddoomiyenimo ay tahay inuu doonayo inuu tartamo doorashada kursiga HOP 222, oo ka mid ah kuraasta doorashadoodu taalo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri.

Hoos ka akhriso Warqadda is casilaadda Ceynaanshe.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online