5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2022
Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharax Madaxwayne Cabdi Muuse Maaxaay


Talaado, Maarso, 1, 2022 (HOL) Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ayaa xaflad soo dhaweyn iyo taageero ah u sameeyay Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Samafale Cabdi Muuse Maaxaay.

Cabdi Muuse Maaxaay oo ku caan baxay Samafalka dadka Soomaaliyeed ku dhawaad 20 sano ee ugu danbaysay ayaa isku soo sharaxay xilka madaxwaynaha  dalka Soomaaliya dhamaan dadwaynahii ka hadlay ayaa qiray in Cabdi Muuse mudan yahay xilkaan

Iimaan Asad Islow ayaa yiri xili dalkeenu uu ku jiray marxaladii ugu liitaday ayuu cabdi Muuse Maaxaay waxuu u noqday mid qabta hawl ay dowladi qabato ,waana tan gaarsiisay in Cabdi ay magaciisa & dadaalkiisa maqleen dadka Soomaaliyeed.

Cabdi Maaxaay ayaa dalkaan Maraykanaka keenay ilaa ku dhawaad toban qof oo xaalado caafimaad dalkaan loo keenay ka hor xiligii madaxwayne Trump dhamaan dadkaas ma ahayn dad Soomaali ah waxuuse Maaxaay dalkaan keenay dad kale sida laga daawaday Muuqaal ka hadlaayey taariikhdiisa oo goobta laga shiday.

Cali Ciise (Cali ganey) oo ka tirsan xafiiska Xildhibaan ilhaan Omar ayaa sheegay in Musharaxaan uu yahay mid ka soo dhex baxay adeega bulshada wuuna yahay mid la xaqiiqsaday waxqabadkiisa , waxuuna faray xildhibaanada Baarlamaanka 11aad in ay il gaara ku eegaan cida ay dalka madaxwayne uga dhigayaan.

Ubax Nuur oo ka mida Siyaasiinta Soomaali Americanka ah oo goobta ka hadashay ayaa xustay in Maaxaay iyo cida ku soo baxda xilkanba laga rabo inay waxa ugu horeeya ee qabtaan ay noqon doonto dhamaystirka Dastuurka dalka ee mudada qabyada ah.


Ugu danbayntii waxaa xafladda ka hadlay oo khudbad dheer ka jeediyey Musharaxa Cabdi Muuse Maaxaay oo ka hadlay Siyasada uu rabo in uu dalka ku hogaamiyo xaga wax qabadka nolosha dalka , isagoo ku soo celceliyey in barwaaqada dihin ee dalka in lagu dhiirigaliyo inay dadku la soo baxaan, Cabdi waxuu yiri hadii culayska la saaro wax soosaarka iyo shaqo abuurka waa laga baxayaa nabadgalayo darada dalka ka jirta,

Waxaan u ordaayo ma aha  xil waxaan waxaan rabaa isbadal dalka ku yimaada ayuu yiri Maaxaay.

Waxuuu ku dheeraday musharaxu in uu dhisi doono kaabayasha dhaqaale in laga faaidaysto biyaha wabiyada ee badda ku darsamaya , waxaan ku dadaali doonaa in dhaqaale farab badan dalka looga helo badda dalkeena ee dherarka badan.

Waxaa kulankaan lagu soo bandhigay Heeso ay goobta ka qaadeen faaniinta Hodan Cabdiraxmaan Dheere, Ikraan Caraale , Cabdulaahi Baajiyo,waxaa goobtan iyaduna buraanbur ku ruxday abwaanada Hodan Nuur.




Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis,MN