5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo warbixin cusub kasoo saartay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Ukraine
 

Talaado, Maarso, 1, 2022 (HOL) - Soomaaliya ayaa sheegtay in dalalka Poland, Slovakia, Hungry, Moldova iyo Romania ay xaqiijiyeen in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukrain la siin doono marin nabdoon, isla markaana loo diyaar garoobay sidii loola tacaali lahaa qulqulka dadka ka soo qaxaya Ukraine.

Sida ay dowladdu sheegtay, safaaradaha Brussels iyo Berlin ayaa weli xiriir joogto ah la leh 280 qof oo Soomaali ah oo si nabad ah ku gaaray dalka Poland, kuwa ku sii jeeda Poland iyo kuwa kale oo aan awoodin inay ka gudbaan xuduudaha Medyka-Shehyni iyo Budomierz-Hrushiv.

“Waxaan ku boorineynaa wadamada deriska ah inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada iyo inay siiyaan marin aan xannibnayn dhammaan Afrikaanka ka soo gudbaya xadka Ukraine,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu dambayn sheegtay in ay  rasmi ah u diri doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed si ay u helaan kaararka aqoonsiga ee saxda ah si ay uga gudbaan xuduudaha.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online