5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2022
Somaliland oo war kasoo saartay dagaalka Ukraine
 

Talaado, Maarso, 1, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa nabad ugu baaqday dhinacyada dagaalku ku dhexmarayo dalka Ukraine, iyadoo dhinaca kalena u ducaysay dadka reer Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud, ayaa qoraal uu ku qoray bartiisa Twitterka, waxa uu nabad ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Ukraine, isagoo sheegay in uu rajaynayo in xal nabadeed la gaadho.

"Iyadoo xaalada Ukraine ay kasii darayso, Jamhuuriyada Somaliland waxay ku baaqaysaa nabad, waxaanu wadaynaa in aanu u ducayno dadka reer Ukraine, waxaanu rajaynaynaa in lagaadho xal nabadeed" ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Wasiir Kayd ayaa dhinaaca kale, ardayda reer Somaliland ee wax ka barata dalka Ukraine ugu baaqay in ay la xidhiidhaan xafiiska Somaliland ee dalka Finland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online