5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2022
Sareeyo Gaas indho-qarshe: Qoorqoor wuxuu ii diiday inaan u tartamo kursiga reerkayga

Talaado, Maarso, 1, 2022 (HOL) - Taliyihi hore ee  ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-qarshe, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdikaariye Qooror, inuu u diiday kursiga ay reerkiisu lahaayeen inuu u tartamo.

Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-qarshe oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa raysal wasaare Rooble iyo guddiga doorashada ugu baaqay in kursiga loo diiday la hakiyo, illaa iyo inta waddo caddaadeed oo saxan la marsiinayo.

" Waxaa jira qabiilaad badan oo afar kursi leh oo aan gabar la siin. Sharciguna wuxuu leeyahay reerku hadduu saddex kursi leeyahay in hal kursi dumarku leeyihiin. Annagu Galmdug labo kursi ayaan ku leennahay, haddii reerihii waaweynaa laga dhaafay dumarkii, annaga sideebay noo qabataa in labadeenii kursi dumar laga dhigo," ayuu yiri Indha-qarshe .

Guddiga doorashada Galmudug ayaa kursiga uu u sharraxan yahay Indho-qarshe oo ah hop20 waxay xalay soo saareen jadwalkiisa doorashada, waxaana loo xiray in ay dumar kaliya ku tartamaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online