5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2022
Soomaaliya iyo Shiinaha oo kawada hadlay xoojinta midnimada dhuleed ee labada dal
 

Talaado, Maarso, 1, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta ixtiraamka iyo ilaalinta qarannimada, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee labada dowladood.

Sida lagu sheegay warsaaxafaddeed kasoo baxay wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo sidii Labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta, ganacsiga iyo dhaqaalaha, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa uga mahad celiyey dowladda Shiinaha doorka ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go'an tahay horumarinta iskaashiga dheef wadaagga ah ee kala dhexeeya Shiinaha.

Wada hadalka labada wasiir arrimo dibbadeed ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii dowladda Soomaaliya ay wax kama jiraan ku tilmaamtay heshiisyo ay Taiwan la gashay Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa Taiwan u aqoonsan gobol katirsan dalweynaha Shiinaha, waxayna cambaareysay in ay xiriir la yeelato Somaliland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online