5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2022
Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay jadwalka doorashada lix kursi oo Gaalkacyo lagu dooranayo

Talaado, Maarso, 1, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Galmudug ayay ku sheegeen in Maalinta Khamiista ah ay bilaaban doonto diiwaan gelinta Musharaxiinta, islamarkaana maalinta Sabtiga oo taariiqdu ku beegan tahay 5-ta bishaan Maarso ay dhici doonto doorashada lixda kursi.

Jadwalka kuraasta lixdaan kursi oo ay shaaciyeen guddiga doorashada Galmudug ayaa noqonaya kuraastii ugu horeysay ee deegaan doorashada labaad ee maamulka Galmudug, waxaana xusid mudan in lixda kursi sadax ka mid ah ay ku tartamayaan dumar kaliya.

Hoos ka akhriso jadwalka oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online