Xukuumada Somaliland oo go'aan kasoo saartay korodhka qiimaha korontada

 

Arbaco, Juun, 8, 2022 (HOL) - Wasaarada Arrrimaha Guddaha Somaliland, ayaa si kama danbays ah u mamnuucday qiimaha korontada ee ay kordhiyeen shirkadaha bixiya adeega korontada.

newsinsideWasaarada ayaa amar ku bixisay in la joojiyo korodhka qiimaha korontada, waxayna ciidanka booliiska iyo guddoomiyayaasha gobolada fartay in ay joojiyaan qiimaha laydhka ee shirkaduhu kordhiyeen. Shirkadaha ayaa horay uga dhago adeegay amar kasoo baxay Koomiishanka Tamarta Somaliland.

Hoos ka dheeho amarka wasaarada oo faah faahsan:-



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]