4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 30, 2022
Guddi barlamaan oo baaris ku sameeya xisaab xirkii afartii sano ee ugu dambeysay oo la magacaabay
 

Khamiis, Juun, 30, 2022 (HOL) - Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga daba- galka & xaqiiqa raadinta xisaab xirkii 4tii sano ee u dambeysay. 2018, 2019, 2020, 2021.

Xubnaha la magacaabay oo ka kooban 7 xubnood oo ah isku dhaf labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa qeyb ka ahayd natiijada kasoo baxday maalmo ay labada gole ka doodayeen meel marinta miisaaniyadda dalka ee 2022, taas oo maanta lasoo gabagabeeyay.

In guddigan la magacaabo waxay ahayd qeyb kamid ah xalka in la meel mariyo miisaaniyadda dalka, taas oo halis u gashay inuu barlamaanku diido, maadaama ay xildhibaannadu ku doodayeen in wasiirka maaliyadda uusan barlamaankii hore u keenin xisaab xirka maaliyadadeed ee afartii sano ugu dambeysay.

Magacyada guddiga.

1. Senator Cabdixakiin Macalin Axmed

2. Senator Siciid Cabdi Xuseen Cawke

3. Xildhibaan Saciid Maxamed Cali

4. Xildhiban Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene

5. Xildhiban Cbdirahman Cadde Caddow

6. Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi

7. Xildhibaan Cabdiqafaar Cilmi Xaange

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]