4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 30, 2022
Baarlamaanka labada Aqal oo ansixiyay miisaaniyada dowladda ee sanadka 2022-ka
 

Khamiis, Juun, 30, 2022 (HOL) - Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya  ayaa kulankoodii Maanta kusoo gabagabeeyay ka doodista miisaaniyada dowladda.

Kulankan oo Maanta ahaa mid galay maalintiisii sadaxadaad ayaa labada Aqal waxay su'aalo adag wax ka weydiinayeen wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo howlwadeeno la socday oo ka tirsan xafiiskiisa.

Mudanayaasha labada Aqal ayaa su'aalo adag oo la xariira miisaaniyada dowladda wax ka weydiiyay wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale iyo xubnahii kale ee la socday mudadii uu talada dalka haayay madaxweynahii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana wasiirka uu Xildhibaanada kaga jawaab celinaayay su'aalaha ay weydiinayeen.

Su'aalo badan oo ka doodistoodu qaatay mudo sadax maalmood ah kadib  Xildhibaanada labada Aqal oo wadajir ah, islamarkaana ay shir guddoominayeen guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2022-ka.

Gabagabadii guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madaoobe ayaa soo jeediyey in xildhibaanada ay miisaaniyada u codeeyaan maadaama dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay laga dooday su'aalana laga weeydiiyay wasiirka wasaarada Maaliyadda, waxaana hab gacan taag ah ugu codeeysay 204 Xildhibaan, waxaana ka aamusay labo Xildhibaan, labo xildhibaan oo kalana way diideen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online