4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 30, 2022
Beeralayda degaanka Lafaciise ee dowlad degaanka Soomaalida oo ka cabanaya Shidaal yarida degaanka ka jirta
 

Khamiis, Juun, 30, 2022 (HOL) - Beeralayda ku dhaqan degaanka Lafaciise ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa ka cabanaya Shidaal yarida degaanka ka jirta, waxay beeralaydu sheegeen in hadda beeraha ay ku qotaan Cagafyo hase yeeshee Cagaftii ay ula'yihiin shidaal.

Beeralaydan ayaa sidoo kale sheegay in haddii xaaladdu ay sidan kusii socoto ay saamaynayso wax soo saarkii degaanka, maadaama xilligan uu yahay xilligii dadku ay beeraha qodanayeen.

Mid kamid ah beeralayda ku dhaqan Lafaciise oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaatada shidaal yaridu ay iyaga aad u saamaysay intii ay soo cusboonaadeen dagaalka Ruushka iyo Ukrain iyo waliba dagaalkii Waqooyiga Itoobiya.

Magaalooyinka degaanka Soomaalida ayaa intooda badan laga dareemayaa shidaal yaridan, iyagoo Kaalimaha Shidaalka lagu arkayo gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo safaf dhaadheer ugu jira Kaalimaha si ay shidaal u helaan.

Xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa horey u ballanqaaday in mudnaanta shidaalka lasiinayo Cagafyada ay beeralaydu beeraha ku qodanayaan, balse siday u muuqato wali ma hirgalin ballanqaadkii dowladda.

Guud ahaan Itoobiya iyo dunida inteeda kale ayay ka jirtaa culayska dhanka shidaal yaridu, taas oo loo sababaynayo colaadda Ruushka iyo Ukrain.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]