4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 30, 2022
Puntland: Siyaasiyiin walaac xooggan ka muujiyay qabsoomida doorashada Puntland ee soo socota

Khamiis, Juun, 30, 2022 (HOL) - Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland oo ku midoobay Golaha wadatashiga iyo waxgaradka Puntland ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladaha ay wajaheyso Puntland taasoo ay sheegeen inay abuurtay xukumada haatan jirta ee Madaxweyne Deni.

Gollahan ayaa saluugay hubanti la'aanta doorashada Puntland ee soo socota, iyadoo laga shidaal qaadanayo sida ay u maamushay xukumada madaxweyne Deni doorashooyinkii ugu danbeeyey ee ka dhacay gudaha Puntland iyo kuwii Baarlamaanka federalka Soomaaliya.

Waxay sheegeen in madaxweyne Deni uusan suuro galin karin hannaan doorasho lagu kalsoonaan karo, waxayna ku eedeeyeen inay ka gaabisay doorkeedii ku aaddanaa gaarista doorasho dimuqraadi ah.

Halkaan hoose ka akhriso bayaanka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]