4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 30, 2022
Madaxweyne Deni oo hay’adaha samafalka ka codsaday inay gargaar degdeg lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen
 

Khamiis, Juun, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray baaq ku wajahan abaaraha, isagoo kulan uu la qaatay hay’addaha gargaarka ugu baaqay inay mudnaanta siiyaan badbaadinta nolosha dadka.

Madaxweyne Deni ayaa hay’adaha samafalka la wadaagay warbixin ay guddiga abaaraha Puntland kasoo diyaariyeen xaaladda ba'an ee abaareed ee xilligan ay Puntland ku sugan tahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland si la mid ah Soomaaliya inteeda kale, ay wajahayso xaalad bini'aadantinimo oo deg-deg ah, taas oo ay ugu wacan tahay xaaladaha abaareed ee daba dheeraaday ee ka dhashay roob yarida afar jeer oo xiriir ah gobollada intooda badan.

“Puntland waxay ka codsanaysaa dhammaan Hay’adaha Samafalka ee ka hawl-gala Soomaaliya inay gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah la soo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen. Iyadoo taas laga duulayo, Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan hay’adaha samafalka inay si degdeg ah oo waxtar leh uga qaybqaataan gurmadka abaarah,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Warbixinta lagasoo diyaariyay abaaraha Puntland, waxaa lagu sheegay in qiyaastii 345,000 qoys ay ku sugan yihiin marxalada 3aad iyo 4aad ee haqab-beelka cuntada oo ay ku jiraan xoolo-dhaqato, dadka ku nool tuulooyinka, barokacayaasha iyo reer miyiga gobolada Mudug iyo Sool.

Sidoo kale, abaartu waxay caydhisay barakacyaal cusub oo lagu qiyaasay 87,660 qoys.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]