4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 30, 2022
Raysal wasaare Xamse: Way igu adag tahay inaan aqbalo in gabar ajnebi ah iwaardiyayso
 

Khamiis, Juun, 30, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in uusan ku qancin karin in dadka Soomaaliyeed ay xilligan u dhimanayaan baahi iyo biyo la’aan ka dhalatay abaaraha.

Raysal wasaaraha ayaa tilmaamay in arrimahan oo idil ay sabab u yihiin amni la’aanta ka jirta meelo badan oo dalka katirsan, taasoo uu sheegay inay meesha ka saarayso qorshe kasta oo wax looga qaban lahaa abaaraha soo noqnoqday iyo waxyeelada daadadka.

Wuxuu raysal wasaaruhu sidoo kale sheegay inay adag tahay inuu aqbalo in amnigiisa ay sugaan dad ajnebi ah, iyo in magaalooyin Soomaaliyeed oo aad isugu dhow diyaarad loogu kala safro.

“Way igu adag tahay inaan aqbalo meesha aan hadda ka imid ee degenahay ee madaxtooyada ah, inay gabar Afrikaan ah oo miskiin ah oo aan  muslim ahayn oo diin iyo salaad aan midna shuqul ku lahayn  i waardiyayso, oo ay Soomaali iga waardiyayso. Wax lagu qanci karo ma ahan,” ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Raysal wasaare Xamse wuxuu sheegay inay laga maarmaan tahay in isbedel la helo oo laga baxo nolasha haatan lagu jiro, isagoo ugu baaqay cid kasta oo Soomaaliyeed inaysan ogolaan in sidaan lagusii jiro oo dadka Soomaaliyeed amni darro iyo abaaro kusii jiraan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]