4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo siidaayay warbixin ku saabsan caafimaadkiisa kadib kasoo kabashadiisii COVID-19


Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa jeediyey warbixin ku saabsan xaaladdiisa caafimaad.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaannada caafimaad ee la xiriira COVID-19 ee laga qaaday ay muujinayaan in laga waayey caabuqa, sidaas awgeedna uu dib u fariisan doono xafiiska, si uu u dardar geliyo shaqooyinka horyaalla xafiiskiisa.

“Muddo 5 maalmood ah oo aan u hoggaansanaa habraacyada iyo talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19, waxaan shalay iyo maantaba maray baaritaankii ugu danbeeyey, kaas oo natiijadiisu ay noqotay in la iga waayey COVID-19, sidaas awgeedna, waxaan dib ugu howlgalayaa xafiiska, si aan u sii dardar geliyo shaqadii qaran ee aad ii wakiilateen.”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadaha todobaadka xorriyadda dalka, waxa uuna ku boorriyey shacabku in ay ka qeyb qaataan sidii ay u samata-bixin lahaayeen dadka dhibaateysan ee ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale ugu hambalyeeyay Ra'iisul Wasaaraha kalsoonida uu ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo in uu la wareegay xilka Ra'iisul wasaarennimo.

Shan berri ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya laga helay cudurka Covid19, waxyar kadib markii kasoo laabtay dalka Imaaraatka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]