4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2022
Xildhibaan Ciid "Ma jirto mashruuc dowlada ay Hiiraan ka hirgalisay nuuc kasta ha noqdee"
 

Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Xildhibaan Cabdirisaaq Macalin Ciid  oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay Mashaariic horumarineed oo shantii sano ee lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ka fulisay deegaano ka tirsan maamul goboleedyada dalka qaarkood.

Xildhibaan Ciid ayaa sheegay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu madaxweynaha ka ahaa shantii sano ee lasoo dhaafay ineysan Hiiraan meel ka mid ah ka fulin hal Mashruuc nooc kaste ha noqde, waxaa uuna arimahaasi sababteeda uu weydiiyay Xildhibaanka wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Baarlamaanka Soomaaliya hortaagna.

"Aniga waxaan kasoo jeeda gobolka Hiiraan ma jirto mashruuc dowladu ay Hiiraan ka hirgalisay nuuc kasta ha noqdee ee maxaa sababay?, caruurta isla dhalatay sida ay u kala tabar yar yihiin ayaa loo kala gacan qabta marka dowladda kaliya waxay gacan qabatay maamuladii waa weyna, maha kuwa yaryar in laga taga" ayuu yiri Xildhibaan Ciid.

Marka laga soo tago hadalka Xildhibaanka gobolka Hiiraan oo ka mid ah gobolada ugu faca weyn Soomaaliya ma uusan ka helin dowladda Soomaaliya mudankii uu gobolkaasi lahaa, waxaana jiro adeegyo badan oo u baahan gacan dowladeed sida wax ka qabashada fatahaadaha soo laablaabtay, garoonka diyaaradaha Baledweyne oo xili roobaad kasta biyaha roobka dhex fariistaan ayna xayirmato howlaha duulimaadyada, wadooyinka magaalada oo wada burbursan iyo Isbitaalkii ugu weyna gobolada dhexe oo isna wali la burbursan qarax Ismiidaamin ahaa oo bishii Maarso ee sanadkaan ka dhacay albaabka hore ee Isbitaalka Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online