4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2022
Wasiir Khadiijo: Anigoo fulinaya amarka madaxweynaha, ayaan maalmaha xorriyadda gargaar gaarsiineynaa dadkeenna
 

Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dabaal degga maalmaha xorriyadda xoogga lagu saarayo in dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen la gaarsiindoono sahay gargaar ah.

Wasiirka gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa hadalkaan sheegtay, iyadoo xustay in madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu fareen in gurmadka abaaraha la xoojiyo maalmaha xorriyadda.

“Anigoo fulinaya amarka madaxweynaha jamhuuriyadda, mudane PROF: Xasan Sheikh Maxamuud, raacayana faritaanka raysal wasaaraha dalka, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaan maalmaha xorriyadda gaarsiineynaa dadkeenna sahayda gargaarka abaaraha,” ayay tiri wasiirka gargaarka Khadiijo.

Wasiir gargaarka waxay isla maanta magaalada Muqdisho ka qaaday gargaarka raashin ah, iyadoo geysay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, oo kamid ah meelaha abaaruhu aad u saameeyeen.

Rayal wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay markuu xilka la wareegay sheegay inay dowladda Soomaaliya si aad ah uga shaqeyndoonto in qof Soomaaliyeed oo dambe uusan u geeriyoon gaajo ka dhalatay abaaraha dalka jira.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]