4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2022
Ra’iisul wasaare Xamse iyo maalintiisa u horreysay ee xafiiska
 

Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha 21aad ee Soomaaliya , Xamse Cabdi Barre ayaa 7:00 AM ee Arbacada maanta tagay xafiiska , halkii oo ay uga billaabatay maalintii u horreysay ee shaqada, ka dib markii uu shalay xilka kula wareegay xaflad ka dhacday barxad ku taalla bartamaha dhismaha uu ku shaqeeyo Ra’iisul wasaaraha iyo Golaha wasiirrada.

Xamsa ayaa xilka kala wareegay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay Xafiiskiisa.” ayaa lagu yiri qoraal kooban iyo labo sawir oo laga qaaday Ra’iisul wasaaraha oo fadhiya xafiiska , wuxuu  marka ku jeedaa labo warqadood oo dulsaarnaa miiska, sida uu baahiyay xafiiskiisa.

Mar uu ka hadlay howlaha u horreeya ee shaqadiisa, wuxuu ka sheegay munaasabadda uu xilka kula wareegay “ Qorshaheenna koowaad waa dhimashada baahidu keenayso inan ka badbaadinno Dadkeenna, si aan uga baad-baadinno waa inan amnigana sugno.”

Waxa dhammeystiraya Shaqada Ra’iisul wasaaraha ee la sugayo ayaa ah in muddo soddon cisho ah ku soo magacaabo Golahiisa Wasiirrada , isagoo ballanqaaday markii ay ansixiyeen Baarlamaanka inuu soo dhisayo Xukuumadda tayo leh.

Balse surtagalnimada inuu booqanayo qaar ka mid ah Dawlad-gobolleedyada Dalka ka hor inta uusan magacaabiin Golaha wasiirrada ayaa soo baxday maanta, sida ay HOL u sheegeen xubno ku dhow Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre , oo ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya horraantii 1970, ayaa afar mar oo la maqlay codkiisa tan iyo markii xilka loo magacaabay 15 bishan June , wuxuu muujinayay taxadar iyo sida uu u doonayo xasillooni, balse waxaa la wada arki karaa arrimo xasaasi oo u baahan inuu ka tallaabo.

Saameynta halkii u sarreysay joogta ee Abaarta ,amniga , la-dagaallaanka Shabaab, dhaqaalaha ,khilaafka siyaasadeed ee Gedo iyo Horumarinta adeegyada Bulshada iyo dadaallada dib loogu xoojinayo Dawladnimada iyo dhammeystirka Dastuurka iyo shuruucda kale ayaa ah kuwa u horreeya ee wax ka qabashadooda ay hortaalo Ra’iisul wasaaraha maanta tagay xafiiska.

“Xamse waxaan aaminsanahay inuu dadaal galinayo sidii isbeddel uga dhici lahaa dalkan , waxaan ku oggahay sida ay mar walba uga go’antahay in qarankan dib u xoogeysto.” Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi oo laga soo doortay Kismaayo ayaa sida u sheegay warbaahinta.

Iman Jama , Hiiraan Online
[email protected]