4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2022
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay eedayn uga timid Somaliland oo ku aadan qeybsiga Xajka

Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedayn uga timid Somliland, taas  oo ku saabsan sida loo qeybsaday xujeyda sannadkan.

Wasiirka diinta iyo awqaafta dowladda federalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa sheegay inaan la siyaasadayn qeybsiga xujeyda laguna salayn nidaamka 4.5 ama maamulada dalka ka jira.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaddaha ku guulaystay qaadista Xujeyda ay ku cadaadiyeen inay Somaliland ka qaadaan 800 oo xujey ah, balse wuxu sheegay in Somaliland ay ka hor yimaadeen.

“Runtii waxaan ognahay xujeydii Soomaaliyeed ee ka bixi lahayd Hargeysa waa la cadaadiyay, waa la siyaasadeeyay. Ma doonayn shacabkaas Soomaaliyeed ee halkaas ku nool in la dibaateeyo, madaxweynuhu arrintaas wuu iga hadlay,” ayuu yiri wasiirka Diinta iyo awqaafta Soomaaliya.

Sannadkan xujeydii Somaliland ka bixi lahayd ayaa ka baxaysa Garowe iyo Jigjiga kadib markii Somaliland ay diiday inay wax xujey ah ay ka baxaan deegannadeeda, iyagoo u sababaynaya tabashadooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]