4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2022
Dowladda Itoobiya oo magacawday guddi wadahadal lagali doona TPLF
 

Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Dowlada Itoobiya ayaa guddi u magacawday wadahadal lagali doona Jabhadda TPLF, guddigaas oo ka kooban 7 xubnood, ayaa waxaa hoggaaminaya Ra'iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya Damake Mekonin.

Guddigan ayaa waxaa ku jira xubno culus oo xilal sare ka haya dowladda federalka Itoobiya, sida Taliyaha Sirdoonka Itoobiya, lataliyaha Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed ee dhanka amniga iyo xubno kale.

Dowladda Itoobiya ayaa guddigan u magacwaday si xal nabadeed looga gaaro dagaalka sokeeye ee mudada sannad iyo badhka ka soconayay Waqooyiga Itoobiya, kaas oo u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Labada dhinac waa Dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa horey waxay isugu raaceen inay wada hadal gali doonaan, kaas oo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika kana dhici doona dalka Kenya.

TPLF wali kamaysan hadlin xubnahan ay dowladda Itoobiya usoo magacawday inay wadahadal lagalaan TPLF.

Abdilahi Jawhar, Hiiran Online
[email protected]