4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2022
Xaflad uu xilka kula wareegayo raysal wasaare Xamse oo Muqdisho ka socota
 

Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Xaflad uu xilka kula wareegayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka socota Muqdisho,  Iyadoo ay ku sugan yihiin raysal wasaarihii hore iyo xukuumadii.

Raysal wasaare Xamse oo la magacaabay 15kii bishaan June ayaa sabtidii loo dhaariyay xilkiisa kadib markii barlamaanka Soomaaliya ay siiyeen xasaanadii uu ku shaqeyn lahaa.

Raysal wasaaraha ayaa laga sugayaa inuu si degdeg ah usoo dhiso xukuumadiisa, iyadoo muddo ku dhow 50 cishe laga jooogo doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana uusan weli dalku ka gudbin marxaladii kala guurka siyaasadeed.

Xildhibaanno badan oo katirsan barlamaanka ayaa u hanqal taagaya inay kasoo dhex muuqdaan golaha wasiiradda. Qaar badan oo kamid ah saaxiibada siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheikh ayaa lagu wadaa inay kasoo muuqdaan xukuumada cusub.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in qaar kamid ah wasiiradda xukuumada Rooble ay kasoo muuqan doonaan golaha wasiiradda ee Soomaaliya, sida aan xogta ku helayno.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]