4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2022
Faahfaahino kasoo baxay dagaal ka dhacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose

Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen Saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmiga ah inta uu dhan yahay.

Al-shabaab ayaa maalmahii lasoo dhaafay kordhiyay weerarada ay ku qaadanayaan Saldhigyada ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanada maamulka Jubbaland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online