4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2022
Puntland oo war kasoo saartay nin beeniyay inuu yahay hoggaamiyaha shabakad katirsan Alshabab oo dil lagu xukumay
 

Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Puntland ayaa war kasoo saartay Cabdiraxmaan Shirwac Aw-siciid (Laahoor), kaas oo beeniyay inuu yahay hoggaamiyaha shakabad katirsan Alshabaab oo qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ka geysan jiray magaalada Boosaaso.

Ninkaan ayaa isagoo maqan lagu riday xukun dil toogasho ah, isagoo madax u ahaa sida uu maamulku sheegay, afar nin oo dhowaan maxkamadda ciidamada lasoo taagay, kuwaas oo qirtay inay dilka iyo qaraxyada ka geysan jireen magaalada Bosaso.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida Puntland, Gaashaanle Maxamed Xuseen Axmed ayaa sheegay, in Cabdiraxmaan Shirwac Aw-siciid (Laahoor) uu yahay dambiile lagu hayo caddeymo leh marqaatiyayaal.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay saddex jeer oo laamaha amnigu ay xireen ninkaan inay ka daba yimaadeen oo laamaha amnigu ka shaqeyn waaayeen odayaal beeshiisa ah oo ku difaacayay qabiil, kuwaas oo ku doodayay in aanu wax dambi lahayn.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay markii ninkaan shabakadiisii la qabtay inuu u baxsaday deegaannada ay Daacish joogaan, si uu gabbaad uga helo.

Wuxuu ugu baaqay haddii uusan dambi lahayn inuu magaalada Bosaso yimaado oo uu caddaalada hortago, iskana difaaca dambiyada loo haysto ee xukunka dilka uu ku mutaystay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]