4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 27, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandhayn ku sameeyay xukuumadiisa
 

Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa badalay 8 masuul oo xukuumadiisa ka tirsan, kuwaasi oo iskugu jira 2 wasiir, 2 wasiir ku xigeen, 3 madax hay'adood ah iyo 1 gaasime wasaaradeed, wuxuuna magacaabay 13 masuul oo kale.

Masuuliyiinta xilka laga qaaday ayaa waxa ugu mudan Wasiirkii Wasaarada Qorshaynta Cumar Cali Cabdillaahi oo lagu badalay Axmed Aadan Axmed (Buuxane), iyo Wasiirkii Wasaarada Beeraha Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac oo lagu badalay Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

"Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta, sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen, waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka qaran" ayaa lagu yidhi wareegto madaxtooyada kasoo baxday.

Hoos ka akhriso wareegtada madaxweynaha oo faah faahsan:-



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]