4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 27, 2022
Dagaal culus oo haatan ka socda deegaanka Qabno ee duuleedka degmada Matabaan
 

Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Qabno ee duuleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu haatan ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay saakay gudaha u galeen deegaankaasi oo mudooyinkii dambe Shabaab ku sugnayeen, islamarkaana ay u taalay barkoontarool oo ay lacago canshuuro ah kaga qaadi jireen gaadiidka isticmaala wadadaasi laamiga ah.

Lama ogaan karo khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay dagaalka maadama uu wali uu yahay mid socdo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac, waxaana dadka ka agdhaw deegaankaasi ay sheegayaan in maqlayaan dhawaqa rasaas culus oo ay qeyb ka tahay madaafiic xoogan oo ay is weedaarsanayaan labada dhinac.

Dagaalkaan ayaa imaanaya xili saakay aroornimadii hore uu qarax miino la kacay gaari ay saarnayeen Wariyeyaal iyo askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, kaasoo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay sadax ruux, waxaana ku dhaawacmay sadax kale.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online