4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 27, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh "Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti waxay noo yihiin hiil aan ku tashanno"
 

Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan sanad guurada 45-aad ee xornimada dalka Jabuuti u diray dhigiisa Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey dowladda iyo  shacabka dalka Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

"Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya" ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabagabadii Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay dowladda iyo  shacabka reer Jabuuti nabad waarta iyo horumar joogto ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online