4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 27, 2022
Guddoomiye Xirsi: Koore waxan leeyahay hadii ay qabyaaladi jirto adaa ka wasiir ah
 

Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, oo u jawaabay wasiir Koore oo sheegay in ay Somaliland cid gaar ahi yeelatay, ayaa sheegay in hadii qabyaaladi jirto isaga laga rabo in uu hagaajiyo.

Xirisi oo wasiir Koore hadalka uga danbeeyay, ayaa sheegay in wasiirka cabashada ay ka keentay, kadib markii laga bad badiyay ka hadalka urrurkii dib u  xoraynta Soomaaliyeed ee SNM, taasi oo uu sheegay in ay keentay habka taariikhda looga warramo oo aan balaadhnayn.

"Wasiir Koore oo halkan ka dhawaajiyay markaynu ku dhaga barjaynay malaha SNM, waa qaladkeena oo mid waan qiraya, oo beelihii SNM soo ahaa, in ay taariikhda u dhigi waayaan hanaan beelaha kale inala yeeshaan, oo ay inala difaacdaan, oo aanu qofna ka jidhiidhicoon" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi ayaa wasiirka usoo jeediyay in hadii wax dhibaato ahi ay jirto, in uu isagu wax ka qabto oo uu saxo, madaama oo uu isagu wasiir yahay, lakiin aanu sidii shakhsi mucaarad ah u hadal.

"Waxan leeyahay intaa isaga dulqaado, lakiin adiguna mid naga daayo wasiirada waxan leeyahay, hadii aad kaalintii muxaafadka iyo mucaaradka wada qaadataan ... haday qabyaaladi jirto adaa ka wasiir ah, haday dhibi jirto adaa ka wasiir ah" ayuu yidhi Xirsi.

Jawaabta Xirsi ayaa timid kadib markii Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore uu ku andacooday in cid gaar ahi ay doonayso in ay Somaliland yeelato. Hadal jeedinta ayaa ka dhacday madal lagu soo bandhigayay buug laga qoray madaxweynihii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur).

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]