4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 27, 2022
Wasiir Kaahin: Cabdiraxmanow waxan idiin sheegayaa in ay daan ahayn masuuliyiin qaran


Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa madaxda xisbiga Waddani ku eedeeyay in anay ahayn masuuliyiin qaran oo arrin qaran doonaya.

Kaahin oo ka hadlayay xaflad lagu soo bandhigayay buug (dhigane) laga qoray taariikhda madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabiraxmaan Tuur), ayaa madaxda Waddani ku eedeeyay in anay nabad diyaar u ahayn.

"Arrimaha laga hadlayo waxaa kamid ah in aydaan nabada diyaar u ahayn, in aydaan siyaasada daganaashaheeda nabad u ahayn, in aydan xaalada siyaasada ee dalka nabad u ahayn, masuuliyiin qaran oo arrin qaran doonayana aydan ahayn" ayuu yidhi Kaahin.

Kaahin ayaa xili dadwaynihii goobta fadhiyay ku oriyeen, sheegay in xukuumadu ay diyaar u tahay wadahadal dhexmara xisbiyada, isaga oo dhanka kalena maxda xisbiga ku eedeeyay in ay masuul ka yihiin sawaxanka iyo daganaansho la'aanta xaflada ka muuqatay.

"Anagu waxaanu diyaar u nahay in ay dadku wada hadlaan, in ay xisbiyadi wada hadlaan, ... lakiin waxaanu ka xunahay in taariikhdii Cabdiraxmaan Axmed Cali muran iyo maamul xumo lagu sameeyo" ayuu yidhi Kaahin.

Waxa uu ku eedeeyay in ay taageerayaashii xisbiga xaflada keeneen, taasina ay keentay in lagu qayliyo "Saaxibayaal waxan diyaar u ahay, in aad xaflada qaylo ku dhamaysan, way dhici karaysa in aan 200 oo inan oo Kulmiye taageraya meel iskugu keeno oo ay idinku qayliyaan, wanaan aqbalayn".

Wasiirada xukuumada ka socday ee xaflada lagu soo marti qaaday oo ay kamid ahaayeen Wasiir Kaahin iyo Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yusuf Cali Koore, ayay shacabkii xaflada kasoo qayb galay ku qayliyeen, oo ku oriyeen intii ay hadlayeen.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]