4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2022
Wasiir Bayle oo garyaqaanka guud ee dowladda u wakiishay inuu ka difaaco dacwadda xafiiska xeer ilaaliyaha
 

Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu iska difaaco su’aalo la xiriira arrimaha maaliyadda oo uga yimid xafiiska xeer ilaalinta.

Wasiir Bayle, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay, inuu garyaqaanka guud ee dowladda u wakiishay inuu difaaco, oo uu la wadaagayo jawaabaha uu u baahdo xeer ilaaliyaha guud.

Geesta kale, Wasiir Bayle ayaa duray warqadda xeer ilaaliyaha kasoo baxday, isagoo u jeediyay in ilaaliyo xeerarka loo dejiyay in lagu maamulo arrimaha dowladda ee ku aadan, xubnaha dowladda ee maxkamaddaha looga yeero.

Wasiirka maaliyadda waxaa berrito u qorshaysan inuu hortago barlamaanka Soomaaliya oo dhowaan uu horgeeyay inay meel mariyaan miisaaniyadda dalka ee 2022.

Maalinta berrito ayay ku aadan tahay waqtigii xafiiska xeer ilaalinta u qabtay in wasiirka maaliyadda ku yimaado xafiiskooda, si wax looga weydiiyo baaris ku saabsan maaliyadda dalka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]