4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2022
Ergayga Abaaraha: Labada aqal ee barlamaanka waa laga la’yahay in lacagtii musharrixiinta lagu bixiyo gurmadka abaaraha
 

Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay guddoonka labada aqal ee barlamaanka, inay hor taagan yihiin in qeyb kamid ah lacagtii laga aruriyay musharraxiinta madaxweynaha, laga bixiyo gurmadka abaaraha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in musharrixiinta madaxweynaha oo kaliya laga aruriyay lacag tiradeedu tahay, 1,600,000 (hal milyan iyo lix boqol oo kun oo dollar).

Wuxuu sheegay lacagtaas inay codsadeen in nus kamid ah lagu bixiyo gurmadka abaaraha, si lamid ah sannadkii 2016, oo kala bar kamid ah lacagihii musharraxiinta lagu bixiyay abaaraha.

“Illaa iyo hadda labada aqal barlamaanka waa laga la’yahay lacagtii halka malyan iyo lixda boqol. Ciddii lagu wareejiyay waa barlamaanka. Cidda taladeeda iska lehna waa guddoonkooda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhinaca kale, ergayga abaaraha wuxuu sheegay in xukuumada raysal wasaare Rooble oo ballanqaaday inay bixinayso hal milyan oo dollar, ay bixisay kaliya boqol kun oo dollar.

Wuxuu sheegay ka jawaabid la’aanta baaqyadooda inay u muuqato in aan lagu baraarugsanayn in dad Soomaaliyeed oo abaartu saameysay ay gaajo iyo haraad u dhimanayaan.

7.1 milyan oo qof oo 50% ka mid ah dadka gudaha Soomaalida ku nool, ay hadda soo wajahday xaalad cunto yari, sida ay sheegtay hay'adda Qaramada Midoobay ee OCHA.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]