4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay la imaanayso siyaasad lagu wajahayo wadahadalka Somaliland
 

Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka shaqeynayso tabo iyo siyaasado iskusoo dhoweynaya Soomaaliya iyo Somaliland.

Raysal wasaaraha oo ka qeyb galayay xuska 62 guuradii kasoo wareegtay markii gobolada waqooyi ay xornimada ka qaateen gumaystihii Inguriiska, ayaa wuxuu ballanqaaday in xukuumadiisu ay ka fogaandoonto wax kasta oo keenaya in boogo jira la damqiyo.

“Maadaama dadka Soomaaliyeed ay dhinac walba isku xiran yihiin, waxaa lagama maarmaan ah in la ilaaliyo Soomaalinida iyo walaalnimada, lagana fogaado wax kasta oo keenaya dhibaato,” ayuu yiri raysal wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in 26ka June ay huwan tahay taariikh aad u dheer ayna tahay maalintii ugu horraysay ee ummada Soomaaliyeed ay ka xaroobaan gumayste.

Wuxuu sheegay raysal wasaaruhu in dadka reer waqooyi la’aan tood aysan suuragasheen gobonimada maanta lagu faanayo. Isagoo sheegay in xukuumadiisa ay dadaal xooggan ku bixinayso in dib loosoo celiyo wada hadalkii.

Somaliland ayaa joojisay wada xaajoodkii ay kula jirtay dowladda Soomaaliya, kadib markii ay sheegtay in dowladdii hore ay qaatay tallaabooyin ka dhan ahaa gooni isku taagooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]