4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2022
Guddoomiye Xirsi: Waa ayaan daro aad u wayn in ragii xiniinyaha laga garaaco
 

Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Madaxda ugu saraysa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, oo booqasho ugu tagay muwaadin kii sheegay in booliisku jidh dileen, ayaa cambaareeyay waxyeelada uu sheegay in booliisku kula kaceen.

Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay weheliyaan musharaxa madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo saraakiil kale, oo isbitaalka ku booqday Maxamed Cali Maxamed oo sheegay in askar booliis ahi xiniinyaha kaga tunteen intii uu socday mudaharaadkii 9 Juun, ayaa ayaan daro ku tilmaamay jidhdilka booliiska lagu eedeeyay.

"Waa ayaan daro aad u wayn weeyaan in ragii xiniinyaha laga garaaco, dumarkiina beerka iyo naasaha laga garaaco, waa waxan ina soo marin, oo aad u foolxun, waad arkayseen inantii la garaacayay" ayuu yidhi guddoomiye Xirsi.

Xirsi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in booliisku uu dafiro jidhdilka lagu eedeeyay, waxaanu sheegay in hadiiba dhibku dhacay in ay ahayd in dhakhtar si dhakhso ah loo geeyo, lagana raali galiyo dhibka soo gaadhay.

"Waxa kasii daran in booliiskii dhibkaa gaystay uu dafiro oo uu yidhaahdo nabaro ayuu qabay iyo wax caynkaas ah ... waxay ahayd marka hore in aan dhib loo gaysan, marka labaad haday dhibi gaadhay lala tacaalo, marka saddexaadna in laga raali galiyo" ayuu yidhi guddoomiye Xirsi.

Maxamed ayaa danbi-baadhe ka tirsan Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ku eedeyay in uu xiiniinyaha kaga tuntay intii uu socday mudaharaadkii mucaaradku soo abaabuleen ee 9 Juun, taasina ay sababtay in mid kamid ah xiniinyihiisu ay dhimato oo laga saaro, eedeyntaas oo booliisku waxba kama jiraan ku tilmaameen, sheegeena in xiniintu horay u xanuunaysay.

Maxamed oo kamid ah taageerayaasha xisbiga Waddani, ayaa horey iskaga soo duubay muuqaalo uu qori sito, oo uu madaxweynaha ugu hanjabayo in uu qori-caaradii madaxtooyada kaga soo saari doono.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]