4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhoweeyay xasaanad siinta raysal wasaare Xamse
 

Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Golaha Shacabka ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo 15-kii Bishan uu magacaabay Madaxweynuhu.

"Mahad ballaaran ayaan u jeedinayaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ila qaatay magacaabista Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo aan markii horeba ku soo xulay aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee uu u leeyahay howlaha hortabinta u leh dalkeenn,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajeynayo in raysal wasaare Xamse uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa samatabixinta dadka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta yoolka Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah.

“Waxaan kula dardaarmayaa Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu soo dhiso Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dowladnimada, iyo hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.”

Baarlamaanka Soomaaliya aya cod aqbliyad leh ku ansaxiyey Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre, oo maanta markii ugu horraysay hortagay, si uu weydiisto inay siiyaan codka xasaanada.

220 Xildhibaan oo ku sugnaa fadhiga barlamaanka, ayaa dhamaantood u codeeyay Ra'iisul Wasaaraha, mana jirin wax diiday ama ka aamusay xasaanad siintiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]