4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 24, 2022
Muwaadin reer Somaliland ah oo sheegay in booliisku jidh dil u gaysteen
 

Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Maxamed Cali Maxamed oo reer Hargaysa ah, ayaa Ciidanka Booliiska Somaliland ku eedeeyay in ay u gaysteen jidhdil sababay in mid kamid ah xiniinyihiisu ay dhimato, intii uu socday mudaharaadkii 9 Juun.

Maxamed oo Saab TV waraysi siiyay isaga oo yaala isbitaal ku yaala Hargaysa, ayaa sheegay in mid kamid ah askarta Saldhiga Dhexe ee Hargaysa, uu xiniinyaha kaga tuntay, kadib markii uu isku dayay in uu ka rido gabadh ay ciidanku garaacayeen, intii mudaharaadkii ay mucaaradku soo abaabuleen socday.

"Inantii ay booliisku dilayeen ayaan ka reebay, waar xiniinyaha aad inanta nagaga reebtay xageed ka keentay, ayuu igu yidhi Nin Mukhtaar la yidhaa oo Saldhiga Dhexe danbi baadhe ka ah, xiniinta isaga igaga tuntay, xiniintaydii imikana way dhimatoo waa layga saaray" ayuu yidhi Maxamed.

Maxamed waxa uu booliiska ku eedeeyay in ay mudo 9 cisho ah ku hayeen saldhiga booliiska ka hor intii anay dhakhtargaynin, taasina ay keentay in ay xiniintiisu dhimato.

"Xiniintaydu waxay dhimatay intii aan saldhiga ku jiray, 9 cisho ayay saldhiga igu hayeen, oo anan wax dhakhtar ah arag, hal-mar ayay dhakhtar i geeyeen, dhakhtarkii wuxuu ku yidhi waa xaalad deg deg ah oo waala qalaya, kadibna saldhiga ayay igu soo celiyeen" ayuu yidhi Maxamed.

Booliiska ayaa dhankooda beeniyay in ay wax dhibaato ah u gaysteen Maxamed, waxayna sheegeen in xiniintu ay hore u bugtay, oo nin kale wax kaga dhuftay wakhti hore, iyaga oo baahiyay codad ay sheegeen in ay caddaymo yihiin, waxa kale oo ay sheegeen in ay isbitaal  geeyeen.

Maxamed oo kamid ah taageerayaasha xisbiga Waddani, ayaa horey iskaga soo duubay muuqaalo uu quri sito, oo uu madaxweynaha ugu hanjabayo in uu qori-caaradii madaxtooyada kaga soo saari doono.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]