4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 24, 2022
Faysal Cali Waraabe oo Beesha caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Somaliland
 

Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, oo waraysi gaar ah siiyay Universal TV, ayaa sheegay in ergo beesha caalamka ka socota oo uu Nairobi kula kulmay, uu uga warbixiyay mawqif mucaaradka, ee ku aadan in aanay aqbalayn doorashada urrurada siyaasada.

Gudduumiyaha ayaa dhinaca kale, waxa uu sheegay in warbixinta ay Madaxtooyada Somaliland kasoo saartay kulanka dhexmaray dibulumaasiyiinta reer Yurub iyo madaxweynaha Somaliland, anay sax ahayn, isla markaana anay axsaabtu marnaba ogolaan furista urrurada.

"Beesha caalamka ayaanu meesha ay taagantahay la wadaagnay, madaxweynahana kulan fogaan arag ah ayay la yeesheen inkasta oo aanan odhan karin madaxweynuhu siduu uga warramay sax ayay ahayd, kalmada uu yidhi axsaabta ogolaatay furista urrurada  siyaasada manaan ogolaan anagu" ayuu yidhi Waraabe.

Waxa kale oo uu ka dayriyay khilaaafka siyaasadeed ee Somaliland ku jirto, isaga oo sheegay in, muddo 30 sanno kadib ah uu madaxweyne Biixi Somaliland khal khal galiyay.

"Somaliland marxaladii ugu xumayd 30 sanno ka bacdi ayay ku jirta, in maanta Muqdisho ay wadadii toosnayd ku hagaagtay, anaguna khal khal aan loo baahnayn oo madaxweynaha meesha fadhiyaa abuuray, kiiyoo distoorkii ka tagay ayaa keenay" ayuu yidhi Waraabe.

Ergada beesha caalamka ee kulanka la yeeshay guddoomiyaha, oo madaxweynaha Somaliland kulan fogaan arag ah la qaatay Khamiistii, ayay madaxtooyadu sheegtay in laysku afgartay in doorashooyinka la amba qaado, iyaguna gacan ka gaystaan.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]