6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2022
Bangiga Adduunka oo ansixiyay 143 milyan oo dollar oo loogu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya

Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay 143 milyan oo doolar oo loogu talagalay si loogu caawiyo dadka nugul ee Soomaaliyeed si ay uga gudbaan xaaladaha abaarta iyo cunno yarida sii kordhaysa ee dalka oo dhan.

Maalgelintan dheeriga ah ee la siinayo Soomaaliya, ayaa waxay xoojin dheeraad ah siin doontaa wax ka qabashada abaaraha dalka, waxayna hubin doontaa sii socoshada taageerada naf babaadinta joogtada ah.

"Xaaladdu waa murugo, Bankiga Adduunkana waxa uu sameynayaa wax walba oo uu ku badbaadin karo kuwa ugu nugul xilligan," ayay tiri Kristina Svensson, maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya. "Waxaan ka faa'ideysaneynaa iskaashiga aan la leenahay hay'adaha bani'aadamnimada si loo yareeyo xaaladdaha abaaraha," ayay raacisay.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucaan uu wax ka qaban doono baahida 20,000 qoys. Waxa kale oo uu tilmaamay in lacag caddaan ah oo degdeg ah la siindoono 338,000 qoys, iyo 160,000 qoys kuwaas oo iyagana dhaqaale ka helidoona mashruucaan.

Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale ka faa’iideysanaya dhowr mashruuc oo jira si loo xoojiyo wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya. Iyadoo loo marayo mashruuca Baxnaano.

Tirada dadka ku tiirsan gargaarka bini'aadantinimo ayaa la saadaalinayaa inay kor u kacdo 7.7 milyan oo qof sanadkan 2022, iyadoo lagu qiyaaso 3 milyan oo qof oo gudaha ku barokacay iyo ku dhawaad 70% dadka ku nool inay ka hooseeyaan heerka faqriga caalamiga ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/23/2022 11:10 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Sida Madaxtooyada Somaliland baahisay, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan fogaan arag ah arrimaha doorashooyinka kala yeeshay 11 safiiro iyo dibulumaasiyiin reer Yurub ah.

6/23/2022 9:31 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koofur Afrika ayaa dil u geysatay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku noola dalkaasi.

6/23/2022 9:18 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Gabadh lagu magacaabo Nimco Jaamac Xasan oo ah 16 sanno jir degan magaalada Caynaba ee Somaliland, ayaa sheegtay in ay kufsadeen askar booliis ah, waxayna dalbatay cadaalad.

6/23/2022 9:07 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland ee degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargaysa, ayaa gacanta ku dhigay 419 litir oo khamri ah, saddex eedaysane iyo baabuurkii lagu siday.

6/23/2022 7:39 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Maleyshiyo beeleed is abaabulay ayaa xirtay waddada isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo ee Puntland, iyadoo halkaas ay haatan ku xaniban yihiin in ka badan 50 kamid ah gaadiidka xamuulka qaada.

6/23/2022 3:57 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee Danab iyo ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaano ku yaala galbeedka magaalada Kismaayo oo ay ka mid yihiin Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, yaaq dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose.

6/23/2022 3:36 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Dalka Itoobiya dadkii loo qorsheeyay inay sannadkan xajka ka tagaan ayay dhibaato lasoo daristay, kaddib markii maamulka sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya ay dadkaasi u sheegeen inaan loo wada hayn lacag Dollar ah oo lasiiyo.

6/23/2022 1:42 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Cabdiraxmaan Shirwac Aw-siciid (Laahoor) oo lagu sheegay inuu yahay hoggaamiyaha shakabad katirsan Alshabaab oo qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ka geysan jiray Boosaaso, ayaa kasoo hadlay warbaahinta isagoo beeniyay dambiga loo haysto.

6/23/2022 1:36 AM EST
Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Kulan ay yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo danjiraha faransiiska ee Kenya Aline Kuster-menager, ayaa lagaga wada hadlay, doorashooyinka, iskaashiga ganacsiga iyo wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.