4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 21, 2022
Faysal Cali Waraabe: Madaxweynuhu wuxuu jeclaa in guddida badankooda lasoo celiyo
 

Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu doonayay in golaha wakiiladu diidaan xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka.

Guddoomiye Faysal oo waraysi gaar ah siiyay idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in golaha wakiiladu ay wada anxsixiyaan dhamaan 7-da xubnood ee guddida cusub ee doorashooyonka.

"Mar hadii uu madaxweynuhu shuruudihii jabiyay oo uu soo magacaabay dad xisbiga musharixiin ka ahaa, waxaanu jeclayn in ay eegaan baarlamaanku qofka shakhsiyadiisa iyo damiir kiisa, iyo wuu dhaaranayaaye si ay inoogu dhamaato shaqadaasi in lasii daayaan jeclaa" ayuu yidhi Faysal.

Faysal oo wax laga waydiiyay in ay muujinayso in goluhu madaxbannaanyahay madaama oo 2 kamid ah 3 dii xubnood ee madaxweyne Biixi magacaabay uu goluhu diiday, ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu jeclaan lahaa in dhamaantood lasoo diido si uu shaqada doorashada dib ugu dhigo.

"Waxaanu sir ku haynaaba in madaxweynuhu uu jeclaa in badan kooda lasoo celiyo, si ay dib ugu dhacdo oo ayna howshooda u gudan" ayuu yidhi Faysal, waxaanu raaciyay in uu sheegashadiisa  caddayn u hayo.

Marka laga yimaado eedaynta guddoomiyaha, madaxweynaha Somaliland ayaa deg deg usoo magacaabay xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka maalmo yar kadib markii guddidii hore is casishay, wuxuuna hay'addaha kale ee xubnaha ku leh ugu baaqay in ay deg deg xubnahooda u keenaaan, isla markiibana golaha wakiilada ayuu u gudbiyay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]