4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2022
Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha iyo ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo Maanta gaaray degmada Dooloow

Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani'aadannimada iyo gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Ergeyga waxaa safarka ku wehlinayay ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula oo sidoo kale ah Xiriiriyaha iyo Isuduwaha Hawlaha Bani'aadamnimada ee Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Xubno ka socda Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku dibaridka Arrimaha Bini'aadannimo OCHA ayaa sidoo kale ergayga ku wehliyay socdaalka shaqo, kaasoo ku qotoma u kuur galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen.

Ugu horreyn ergeyga ayaa maamulka gobolka iyo kan degmada ka dhageystay warbixinta xaaladaha abaareed ee ka taagan guud ahaan gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doolow, ergeygu wuxuu kormeer ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla gudaha iyo duleedka magaaada, Sida; Xerada Kabaaso, oo barakacayaasha ku jiraa u badan yihiin carruur, haween iyo dad da’ ah oo u baahan gargaar iyo garab istaag degdeg ah.

Doolow ayaa ah magaalo marti galinaysa kumannaan qoys oo abaaruhu soo ceyrteeyeen, kadib afar xili roobaad oo baaqday, cunto yarida iyo nafaqo xumada ayaa la filayaa inay ka sii darto, haddii gargaarka bini'aadannimo aan kor loo qaadin oo aan la joogteyn.

Dhawaan Warbaahinta ayaa si weyn u tabisay sheekooyinka Hooyo Xaawo Keerow oo gaajo awgeed diirka dhirta oo la tumey biyo kulul ku darsatey iyo Kaafiya Nuur oo ka dul tagi weysay qabriga walaalaheed mataano ah, Ceebla iyo Cabdiya oo gaajo ugu geeriyooday Doolow.

Socdaalkaan ayaa ka dhigan midkii saddexaad ee ergaygu ku tago gobolada dalka, isagoo u kuur galaya xaaladaha bani’aadannimo, wuxuuna hore u booqday magaalooyinka Baydhabo iyo Buuloburde oo barakacayaal baaxad leh ku nool yihin.

Ergayga ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax haysta, dowladda, deeq bixiyaasha, hay’adaha Qaramada Midoobay inay si deg deg ah gurmad u gaar siiyaan dadka tabaalaysan, si macaluusha kusoo wajahan loga hortago.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online