4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2022
Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb
 

Khamiis, Juun, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb si weyn ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, masuuliyiin kale iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan ayaa Galmudug u tegay si uu uga miro dhalin lahaa qorshihiisa ku aaddan Soomaali heshiis ah, taasoo aas aas u ah hirgelinta dib u heshiisiin dhab ah, mideynta shacabka Soomaaliyeed iyo xorreynta dalka, waxaana safarka madaxweynaha uu Maanta ku tagay Dhuusamareeb u qeyb ka yahay safaro u sheegay inuu ku tagi doono dhamaan xurumaha ay ku shaqeeyaan maamul goboleedyada dalka, isagoo u kuur galaya xaaladaha Bani'aadanimo ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Dhulka Galmudug ay ka kooban tahay in badan ayaa xor ah, in yarna cadowga Alshabaab ayaa ku harsan, waana u taagan yihiin reer Galmudug in ay xoreeyaan dhulkaas oo maalin walba waxay cadowgaas kula jiraan dagaal, anaguna waxaan ku garab istaagaynaa sidii ay cadowgaas muddada dheer ku daahay isaga xoreyn lahaayeen, taasina waxay ku suurta gelaysaa inanga oo midowna, qalbiyadana isu furna” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhageysto baahiyaha nololeed iyo amni ee ay qabaan dadka ku dhaqan deegaannada hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online