5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2022
Maleeshiyaad hubeysan oo dad isku qoys ahaa ku dilay duleedka degmada Dhoobleey
 

Khamiis, Juun, 2, 2022 (HOL) - Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa Xalay laba ruux oo isku qoys ahaa ku dilay duuleedka degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa la sheegay in labada ruux ay ku dhex dileen guryahooda, kuwaas oo dilka kadib si deg deg ah uga baxsaday goobtii ay dilka ka geysteen, waxaana dilka la tilmaamay inuu salka ku haayo arrimo la xariira aargoosi aanooyin qabiil.

Ciidamo katirsan kuwa maamul goboleedka Jubbaland ayaa gaaray goobta lagu dilay labada qof ee isku qoyska ahaa, hayeeshee maysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan maleeshiyaadkii hubeysnaa ee dilka u geystay dadka Shacabka ahaa.

Colaad beeleedyo ayaa maalmahii lasoo dhaafay ka taagneyd deegaano badan oo hoostaga degmooyinka Afmadoow iyo Dhoobleey, waxaana dilkii ugu dambeeyay ee aano qabiil ah uu ka dhacay habeen hore deegaanka Diif ee gobolka Jubbada Hoose oo lagu dilay qof shacab ahaa qof kalana lagu dhaawacay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online