4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2022
Maayar Mooge "Waxa la yaqiinsaday in wadahadaladii lasii anba qaado
 

Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Duqa magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in dib loo bilaabayo wadahadaladii u dhexeeyay mucaaradka iyo xukuumada Somaliland.

Kadib kulan ay yeesheen Mooge oo uu weheliyo lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, iyo madaxda mucaaradka, ayuu maayar Mooge warbaahinta u sheegay in laysla meel dhigay arrimo ay kamid yihiin sii amqadaadida wadahadalada.

"Waxa kale oo xusid mudan in la yaqiinsaday in lasii amba qaado wadahadaladii siyaasadeed ... dadkuna anay moodin in albaabkaa wadahadalku uu xidhmay, odayaasha is xilqaamay, iyo odayaashii kale ee ka horeeyay iyo guurtideena J. Somaliland intuba iyaga oo doorarkooda kala duwan qaadanaya in ay ka shaqeeyaan in wadahadaladii dib u bilaabmaan" ayuu yidhi maayar Mooge.

Mucaaradka Somaliland oo ka falceliyay hadalka duqa Hargaysa, ayaa iyaguna dhankooda sheegay in kaliya guddidii odayaasha ahayd ee isku xilqaantay dhexdhexaadinta iyo xal u helista khilaafka siyaasadeed, ay kalsooni ka haystaan, isla markaana ay ka warsugayaan.

Mooge ayaa dhinaca kale sheegay in ay xal ka gaadheen sugida amniga madaxda mucaaradka, iyo in ay helaan ciidan sharci ah oo ilaaliya sidii caadiga ahayd, isla markaana meesha laga saaro cidkasta oo kale oo sharci daro ah.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]