4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 18, 2022
Guriga xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani oo dab lagu weeraray

Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Dad aan haybtooda la aqoonsan ayaa dab qabadsiiyay afaafka hore ee guriga uu magaalada Hargaysa ka daganyahay, xogeeyaha guud ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

Xogeeyaha ayaa qoraal uu Facebook ku baahiyay oo uu soo raaciyay sawiro muujinaya gubasho soo gaadhay afaafka hore ee gurigiisa, ku sheegay in taayir baabuur lagu gubay albaabka dibada ee guriga xili habeenimo ah, taasi oo sababtay in uu dab qabsado albaabka.

“Waxaa xalay guriga aan Hargeysa ka degenahay kadinkiisa lagu gubay taayir gaadhi oo dabkiisii uu dhaawac gaadhsiiyey albaabka. Sida laga warqabana falkan mid la mid ah ayaa hore uga dhacay guriga guddoomiyaha xisbiga, mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan" ayuu yidhi xogeeye Khadar.

Xogeeyaha ayaa ku andacooday in dabkani uu yahay shirqool siyaasadeed, oo lagu cabsigalinayo "Waa arrin ugub ku ah Somaliland oo muujin karta, in uu jiro qorshe siyaasadeed oo lagu khalkhal gelinayo ammaanka madaxda xisbiyada mucaaradka".

Waxa uu sheegay in uu dhacdadan booliiska ku wargaliyay isla markaana uu sugayo in baadhitaan lagu sameeyo, cida ka danbaysay taayir ka lagu gubay afaafka hore ee gurigiisa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]